Soomaaliya oo mowqif ka qaadatay dib u habeynta ururka IGAD

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shir-Madaxeedka joogtada ah ee 13-aad ee IGAD ayaa soo dhaweeyey qorshaha dib u habaynta Urur Goboleedka IGAD oo ay isku raaceen Madaxda ka soo qeyb gashay meertadan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garowsanayd fursadaha horumarineed, iskaashi iyo ganacsi ee muhiimka ka dhigay dib u eegid lagu sameeyey qaab-dhismeedka Ururkan, waxa ay mar kasta u olaleynaysay in IGAD ay noqoto madal ka soo dhalaasha himillada ay ku qabaan shucuubta Gobolku, kana tarjunta dhammaan danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dowladaha ku mideysan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub ee Urur Goboleedka IGAD Mudane Cabdalla Xamduuk oo ah Raiisul Wasaaraha dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Ra'iisul Wasaaraha Suudaan Mudane Cabdalla Xamduuk ayaa waxa uu xubin muhiim ah ka ahaa Guddiga Dhaqaalah Qaranka ee Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya kahor intii aan loo magacaabin Xilka Ra'iisul Wasaaraha ee dalka Suudaan.

Sidoo kale, Madaxweynhuhu waxa uu soo dhaweeyey magacaabista Xoghaya Guud ee IGAD Mudane Workneh Gebeyehu, waxa uuna adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhaw ula shaqaynayso hoggaankan cusub, si loo gaaro hiigsiga muhiimka ah ee ururkeenna iyo arrimaha hortabinta u leh awood-siinta Gobolka.

Dowladda Soomaaliya waxa ay kaalin mug leh ka qaadatay aas-aaskii Urur Goboleedka IGAD, haatanna shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waxa ay u taagan yihiin gudashada doorkooda iyo wax la qabsiga dalalka kale ee qeybta ka ah IGAD.

MUUQAALKA KULANKA

Madaxtooyadda Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM