DF oo shixnad agab caafimaad ka guddoontay Midowga Yurub

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawsiya Abiikar Nuur, ayaa maanta oo Axad ah guddoontay kaalmo caafimaad oo 14.5 tan oo ah agab lagu xakamaynayo faafidda cudurka safmarka ah ee Koroona feyrus iyo kahortagga daadadka oo ay ku deeqday Midowga Yurub, lana soo mariyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda aanu saaxiibada nahay ee Talyaaniga oo lagu soo gaarsiiyay Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho diyaarad xamuul ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, oo ka hadlay munaasabadda guddoomidda, oo ay goobjoog ka ahaayeen Safiirka Midowga Yurub, Mudane Nicolas Berlanga iyo Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga, Mudane Alberto Vecchi, ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub iyo Dowladda Talyaaniga kaalmadooda caafimaad oo sare u qaadaysa awoodda xirfadlayaasha caafimaadka ay kaga hortagayaan COVID19.

Waxa uu caddeeyay in duulimaadkani oo ah kii koowaad ee bani'aadannimo oo Midowga Yurub agab caafimaad ku soo gaarsiiyo Muqdisho ka koobnaa af-saabka (maaskaro), dareeraha gacmaha lagu dhaqo, gacmo gashiga (galoofyo), dharka ilaalinta leh iyo qalabka baaritaanka, waxaa intaa sii dheer agabka lagu mooso daadadka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 2,961 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 973 ruux oo bogsatay iyo 92 ruux oo u geeriyootay.

Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM