PL oo ka hor timi doorashada xiriirka kubadda cagta Somalia

Image

[GO, Sabti, Sep 6, 2014] Wasaradda Ciyaaraha iyo dhalinyaradda dowladda Puntland ayaa sheegtay inaysan raali ka ahayn doorashadii dhowaan ka dhacday magalada Muqdisho taasoo lagu doortay hoggaanka sare ee xiriirka kubadda cagta Somalia.

Doorashadaasi ayaa waxaa gudoomiye loogu doortay Cabdiqani Siciid Carab oo horay usoo noqday Xoghayaha xiriirka sidoo kale Cabdilaahi Shiikh oo Dalka ka maqan ayaa lagu sheegay inuu gudoomiye ku xigeen noqdo balse xiriir uu lasoo sameeyay Radio Garowe ayuu ku beeniyay xilkaasi.

Barnaamijka Dooda ee Radio Garowe ayaa looga hadlay doorashadan waxana lagu marti qaaday Agaasimaha wasaradda ciyaaraha Axmed Cabdalle Tigaano, wasiir ku xigeenkii hore ee ciyaaraha Axmed Cigaal Cawaale iyo faaleeya ciyaareed Juulaay.

Waxayna dhamaantood sheegeen doorashada xiriirka kubada Cagta Somalia oo todobaadkii hore dhamaadkiisa ka dhacday Muqdisho ay tahay mid ku kooban hal qoys.

Arrimaha kale ee ay masuuliyiintan ka hadleen ayaa ah sida lagu wanaajin karo ciyaaraha kala duwan ee dalka oo qaarkood aan wax daryeel ah la siin iyo qaabka xiriirka ciyaaraha looga wada shaqayn karo.

Wixii ka danbeeyay bur burkii Dalka ka dhacay Muqdisho ayaa noqotay meesha kaliya ee lagu kala goosto mucaawinooyinka dibadda laga keeno haba ugu badnaadeena dhaqaalaha beesha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM