Ciyaaryahankii qaran ku mideeyay kubada cagta oo dhintey

Image
Brazil ayaa looga dhawaaqay saddex maalmood oo baroor-diiq ah kadib dhimashadda xidigan.

SAO PAULO, Brazil - Banaanka cisbitaalka Albert Einstein ee magaaladda São Paulo ee waddanka Brazil, boqolaal taageereyaal ah ayaa waxay isugu yimaadeen ka gadaal markii uu soo baxay warka ku saabsan in uu geeriyoodey Pele.

Qaarkood waxay ku labisnaayeen lambarka 10-aad ee Pele markii uu u ciyaarayay Santos. Sidoo kale,  boor ay ku qoran tahay "Boqorka daa'imka ah ee Pele" ayaa banaanka lagu dhejiyey.

Maamulka Cisbitaalku waxa uu soo saaray war-saxaafadeed uu ku xaqiijinayo in Pele uu u dhintay kansarka mindhicirka. Murugadda ayay sheegeen in ay la wadaagayaan qoyskiisa.

Tani waxay calaamad u tahay sida uu muhiim ugu ahaa reer Brazil. Inkasta oo Pele uu dabcan ahaa halyeey kubbadda cagta adduunka oo dhan ah, dadka dalkiisa waxa uu ugu fadhiyey macno gooni ah.

Mideynta qaran aad u kala qeybsan

Madaxweynaha la doortay, Luiz Inacio Lula da Silva, oo lagu wado in la dhaariyo Axadda, ayaa sheegay in ay muhiim u ahayd in uu arko Pele oo ciyaaraya balse haatan uu ka murugoonayo geeridiisa.

Qof kasta oo u dhashay Brazil, Pele waxa uu uga yaalay meel gooni ah. Jiilkii hore waxay ku xasuustaan ​​ciyaaryahan ahaan, halka da'yarta looga sheekeeyay xirfadiisa cajiibka ah.

Tan ugu sii daran waa in uu dalkiisa xirfadiisa kubada cagta ku mideeyay. Mar walba oo la ciyaarayo Koobka Adduunka, qof kasta oo u dhashay Brazil waxaa la siiyaa fasax ay ku daawadaan xulkooda.

Brazil oo ah waddan ay cunsuriyadda iyo kala soociddu ay weli aad ugu badan tahay. Balse Pele oo ah ciyaaryahan madow ah kana soo jeeda qoys asal sabool ah ayaa sheekadiisu tahay mid qiiro leh.

Mowqif marar badan lagu dhaliilay

Marar dhif ah ayuu ka hadlay cunsuriyadda, mowqifkaas lagu dhaliili jiray. Laakiin wuxuu had iyo jeer u ololeynayay awoodda kubbadda cagta si uu isu keeno qaranka loona taageero saboolka.

Pele ayaa sidoo kale lagu yaqaanay inuu madaxiisa hoos u dhigo marka ay timaado siyaasadda. Mar kale, qaar badan ayaa dareemay in ay ahayd mansab daciif ah marka loo eego saameyntiisa weyn.

Aamusnaantani waxay Pele u saamaxday inuu ka gudbo siyaasadda iyo in laga jeclaado gudaha dalkiisa iyo caalamka si lamid ah in uu ixtiraam ka helo madaxwayne kasta oo xukunka qabta.

Hase ahaatee, dalka ayaa waxa uu mar kale noqday mid sii kala qaybsanaanaya siyaasad ahaan. Laacibkii abid ugu weynaa hadda wuu baxay, laakiin xusuustiisa gudaha iyo dibadda Brazil ayaan marna la iloobi doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM