Erdogan: La isma barbar-dhigi karo Messi iyo Cristiano Ronaldo

Image
Madaxweynaha Turkiga ayaa garab-istaag weyn u muujiyey gooldhaliyaha xulka Portugal.

ISTANBUL, Turkiga - Madaxweynaha Turkiga ayaa waxa uu ku nuux-nuux saday in aan la isla barbardhigi karin xidigaha Argentina ee Lionel Messi iyo laacibka Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Recep Tayyip Erdogan oo dhalinyaro kula hadlayay bariga Erzurum ayaa Axaddii waxa uu tibaaxay in Donaldo uu la kulmay "xayiraad siyaasadeed" intii uu socdey Koobka Aduunka.

“Waxay khasaariyeen Ronaldo, nasiib darro waxay ku soo rogeen xayiraad siyaasadeed, in ciyaaryahan Ronaldo oo kale ah garoonka loo diro iyadoo 30-daqiiqo oo kaliya ay ka harsan tahay ciyaarta, waxay u dhaawacdey maskax ahaan, waxaana ay ka qaaday tamartiisa,” ayuu yiri.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Erdogan ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in gooldhaliyihii hore ee Real Madrid iyo Manchester United uu taageero u muujiyey "qadiyadda Falastiin".

37 jirkan ayaa badal ku soo galay qaybtii dambe ee ciyaartii wareega 8-da ee koobka adduunka ee ay la ciyaareen Morocco oo ay Portugal 1/0 ku garaacday.

Sidoo kale, waxa uu kasoo muuqdey kursiga keydka bilowga kulan ciyaareedkii wareegii 16-aad ee ay la ciyaareen Switzerland, isagoo bedel ku soo galay.

Ronaldo oo ah xiddiga kaliya ee dhaliyay 5 koob oo adduunka ah ayaa la kulmay murugo weyn oo ah in laga reebay koobkii adduunka ee ugu dambeeyay isaga oo ilmada ceshan waayay markii uu dhex marayay marinka qolka labiska.

Marka laga soo tago tayadiisa dhinaca kubadda cagta, Ronaldo waxaa lagu tiriyaa inuu yahay qof samafalka ka qeyb-qaata, isagoo taageero u sheega dadka dulman ee guud ahaan adduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM