Gorfeynta kulamada laga dheelay tartanka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tartanka kubadda cagta maamulada dalka iyo gobolka Banaadir oo Muqdisho ka bilowday 20-kii December, 2020 waxaa ka qeybgalaya Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug iyo Banaadir.

Gobolka Banaadir, Galmudug iyo HirShabelle ayaa wada-galay Group-ka A, halka Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ku hardamayaan Group-ka B.

Shan kulan oo dhamaan dhinacyadda fooda isku dareen heerka Group-yadda ayaa la cayaaray tan iyo markii uu furmay tartanka waxaana lagu daahfuray xulalka gobolka Banaadir iyo Galmudug oo kulankoodu kusoo dhamaadey 2-2.

Jubaland ayaa noqotay maamulkii ugu horeeyay ee laga adkaadey markii khasaaro 1-0 ay kala kulmeen Koonfur Galbeed oo guushii koowaad la hooyatay.

Sagaal gool ayay ka qeybgaleyaashu iska dhaliyeen tan iyo markii tartanku furmay. Gobolka Banaadir wuxuu noqdey xulkii ugu horeeyay ee u gudbay heerka afar dhamaadka markii uu 1-0 ku dubtay HirShabelle 22-kii December, 2020.

Group-ka A waxaa kasoo baxay gobolka Banaadir iyo Galmudug – taas oo la macno ah in HirShabelle oo laga badiyey labadii kulan oo ay dheeshay ay gabi ahaanba mac-salaameeyeen koobkan sidda weyn isha loogu hayo.

Hasa ahaatee, waxaa aad la isugu dhegan-yahay Group-ka B kaasoo natiijadiisa ay kala cadaan doonto marka ay maanta fooda is-daraan Puntland iyo Koonfur Galbeed – maadaama rajada soo bixitaanka Jubaland ku xiran tahay dheeshan.

Koonfur Galbeed ayaa leh saddex dhibcood, halka Puntland iyo Jubaland oo barbar-dhac galay kulankii koowaad ay leeyihiin min hal dhibic oo kaliya.

Jubaland ayaa kaliya u soo gudbi karta wareega afar dhamaadka hadii Koonfur Galbeed ay Puntland kaga adkaato goolal ka badan laba maadaama maamulka xaruntiisa ku meelgaarka tahay Kismaayo lagu leeyahay hal gool.

Guuldaro walba oo gaarta Koonfur Galbeed waxaa kusoo baxeysa Puntland taas oo yeelaneysa afar buundo hogaankana u qabaneysa Group-ka adag ee B.

Inkasta oo labadii sano ee horey loo qabtay in uu xasaamad lahaa, xagaagan waxaa tartanka dhadhan u yeelay falcelinta baraha bulshadda ee siyaasiyiinta kuwaas oo mid walba uu u sacabo tumayo maamulka uu kasoo jeedo.

Su'aasha la xiriirta cidda ku guuleysaneysa sanadkan koobka waa mid waqtiga go'aamin karo, haddana kulamada illaa haatan la dheelay ayaa tusinaya maamulada qaar dardar la yimaadeen, balse waaya-aragnimada waa mid aad loo tixgeliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM