Iiraan oo xirtey ciyaaryahano u dabaaldegtay sanadka cusub 2023

Image
Dibadbaxyo ballaaran oo ay hogaaminayeen haween ayaa gilgilay Iran bishii Sebtembar.

TEHRAN, Iran - Tiro ciyaaryahano ah u dhashay Iiraan oo magacyadooda la qariyey ayaa lagu xiray waqooyiga magaalada Damavand kadib markii ay ka qeyb galeen xaflad loogu dabaal-degay sanadka cusub ee 2023-ka.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, xidigahan oo isugu jira qaar haatan dheela kubadda cagta iyo kuwa ka fadhiistey ayaa  ka tirsan kooxaha ugu caansan ee ka dhisan magaaladda Tehran.

"Qaar ka mid ah ciyaartoydan waxay ku sugnaayeen xaalad aan caadi ahayn sababtoo ah waxaana ay cabeen khamri," ayay warisay wakaaladda wararka ee Tasnim.

Tasnim, oo si dhow loola xiriiriyo Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC), ayaa ciyaartoyda kubbadda cagta la xiriirisay dhaqdhaqaaqa mudaaharaad ee ka socday Iran afartii bilood ee la soo dhaafay.

"Waxaa mudan in la xuso in qaar ka mid ah maxaabiista ay ku sheegeen wareysiyadooda maalmihii la soo dhaafay in aysan dooneynin tartan ama ka hadal kubbadda cagta sababtoo ah dhacdooyinkii u dambeeyay iyo banaanbaxyada," ayaa lagu yiri warbixinta.

Dibadbaxyo ballaaran oo ay hogaaminayeen haween ayaa gilgilay Iran bishii Sebtembar ka dib geeridii Mahsa Amini oo 22 jir ah oo lagu dilay xabsiga ka dib markii la xiray iyada oo lagu eedeeyay inay xiratay xijaab "si aan sax ahayn".

Iiraan ayaa ah dal ay ka jiraan shuruuc adag oo lagu ilaalinayo shareecada Islaamka. Tani waxay sabab kaga dhigtey in ay quwadaha reer galbeedka ku eedeeyaan tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha wallow ay iska fogeysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM