Joao Araujo: Timojarihii muddo 66-sano $7 ugu jarayay Pele

Image
Didi oo ka mid ah taageerayaasha mayalka adag ee Pele ayaa la kulmay ciyaaryahanka markii uu 16 sano jirey.

BRASILLIA, Brazil - Nin muddo dheer timaha u jari jirey ciyaartooygii reer Brazil ee mardhow dhintey Pele ayaa ka sheekeeyay xanuunka iyo murugada uu dareemayo kadib markii uu waayay saaxiibkiisii 66-da sano, islamarkaasina ahaa macmiilkiisa ugu weyn.

Joao Araujo oo ku magac dheer Didi ayaa waxa uu goob timaha lagu jaro ku leeyahay meel aanan ka fogeyn garoonka naadiga kubadda cagta Santos ee uu Pele ka tirsanaa.

Garoonka ayaa Isniinta iyo Talaada martigalin doona kummaanan kun oo qof oo baroordiiqayaal ah, kuwaas oo ka murugeysan geeridii Pele oo magaciisa rasmiga ah uu yahay Edson Arantes do Nascimento. Balse murugada ugu weyn waxa ay ka muuqataa Didi.

Goobtisa shaqada waxaa gidaarka ku xardhan sawirro tiro badan oo muujinaya taariikhda Pele iyo sawirro ka marqaati ka kacaya saaxiibtinimadooda.

Waxa uu timaha si joogto ah ugu jarayay muddo 60 sano ka badan, wuxuuna ka qaadayay lacagta uu ka qaado qof kasta oo kale oo dhan $7 doolar ama 40 reales ee lacagta Brazil.

Markii ugu dambeysey ee uu u jaray waxa ay ahayd sanad ka hor xilligaas oo wixii ka dambeeyay uu Pele soo ridey xanuun daran oo uu isbitaalka la galay, markii dambena u dhiman doono.

Pele ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee qaaday 3 koob adduun, wuxuuna markasta soo muuqanayay iyada oo madaxiisa ay ka muuqato jarmada u gaarka ah ee Didi.

Didi oo ka mid ah taageerayaasha mayalka adag ee Pele ayaa la kulmay ciyaaryahanka markii uu 16 sano jirey, wixii markaasi ka dambeeyayna waxa ay noqdeen saaxiibo aad isugu weyn oo isla gaboobay. Hase ahaatee, waxaa hadda muuqata in ay dib dambe u kulmi doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM