Xubnimada Soomaaliya ee xiriirka FIFA oo wajahaysa khatar

Image
Tani ayaa ka dhalatay khilaafka ka taagan doorashadda hogaanka xiriirka kubada cagta Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa ku hanjabay in uu gebi ahaanba laalayo xubinimada Soomaaliya ee xiriirka caalamiga ah haddii aanan la qaban doorasho xaq iyo xalaal ah oo lagu soo doorto hoggaanka sare ee xiriirka Soomaaliya.

Doorashadan oo lagu waday in ay qabsoonto maanta oo ah 28-da Diseembar ayaa dib loo dhigay kadib markii FIFA ay gebi ahaanba diidey in hal musharax oo keliya u tartamo xilka, islamarkaasna doorashada laga reebo musharixiin kale.

FIFA ayaa kasoo jawaabaysay waraaq cabasho ah oo uu xiriirka u qorey wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Bare oo dalbaday in ay soo faragaliso arrinka doorashada maadaama "ay socdaan arrimo liddi ku ah dimuqraadiyadda".

"Wasaaradda waxa uu waajibkeeda yahay in ay hubiso in muwaadhiniinta Soomaaliyeed ay helaan jawi ay isku doortaan si dimoqoraadi ah," ayuu wasiirka ku yir warqada.

Dood ayaa ka taagan kaalinta dowladda federaalka ku yeelan karto. Dad qaar ayaa aaminsan in ay ku koobnaato fududeyn. Halka kuwa kale ay aaminsan yihiin in aysan wax door ah ka qaadan karin. Waa halkaas meesha sirta ka qurunsan tahay.

Dib-u-eegis ama dib-u-dhigid

Kenny Jean-Marie, oo ah sarkaalka ugu sareeya xafiiska qaabilsan ururada xubnaha ka ah FIFA, ayaa warqad usoo direy xiriirka Soomaaliya ee SFF, waxana uu ku wargaliyay in ay isbadel la yimaadaan

"Waa in aad dib-u-eegis ku samaysaan go’aankii hore ee lagu kala reebay musharixiinta, ama aad gebi ahaanba doorashada 28-da dib u dhigtaan, jeexdaana qorshe cusub oo doorasho, haddii kale waxa ay FIFA qaadi doontaa tallaabooyin cunaqabatayn oo ay ka mid tahay in la laalo xubinimada Soomaaliya," ayuu Kennyku yiri warqadiisa.

Balse FIFA ayaa dhanka kale ka digtay in cid seddexaad ay soo farogaliso doorashada xiriirka Soomaaliya – taas oo loo fasiran karo in loola jeedo wasaaradda ciyaaraha.

Illo wareedyo ku dhow wasaaradda ayaa sheegay in isku dayayso in haddii ciqaab timaado ay ku dhacdo shaqsiyaadka xiriirka ka tirsan ee qaladka sameeyay ee aanan la laalin xubinimada Soomaaliya ee FIFA, taas oo ay dowladda u aragto ciqaab wadareed aanan meesha oolin.

Yaa codka dhiibanaya?

Guddiga Doorashada Xiriirka SFF ayaa horey u go’aamiyay in guddoomiye Cali Shiine oo keliya u tartami karo doorashada madaxweynenimada xiriirka, iyada oo tartanka laga reebay musharixiin kale.

Garabka taageersan Cali Shiine ayaa ku doodaya in in musharaxiinta kale aysan soo buuxin shuruudihii looga baahnaa oo ay kamid tahay waayo-aragnimo ku filan in aysan u lahayn shaqadda xiriirka.

Warqad xiriirka SFF uu isna u qorey FIFA ayuu weli ku adkaysanayaa in hab-raaca doorashada uu yahay mid loo cuskaday dastuurka xiriirka iyo kan FIFA intuba.

Ergo ka kooban 46 qof, kuwaas oo 25 ka mid ah ay metelayaan naadiyadda kubadda cagta ee Muqdisho ka dhisan, iyo 15 qof oo ka socda xiriirada dowlad goboleedyada oo min 3 qof soo dirsaday, iyo 6 qof oo metelaya ururada Danaha Gaarka ah sida Ururka Garsoorayaasha ayaa ah codeeyeyaasha doorashadda.

Musuqmaasuq iyo xatooyo xoolo

Doorashada waxaa lagu waday in ay dhacdo 28-da bishan Diseembar, muddo xileedkuna waa 4 sano oo la cusboonaysiin karo 2 xilli oo kale, taas oo ka dhigan in qofka uu madaxnimada xiriirka hayn karo 12 sano haddii muddo xilleed kasta uu guuleysto.

Kubada cagta Soomaaliya ayaa ku suntan musuqmaasuq iyo xatooyo xoolo. Dhaqaalaha xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA ku maalgeliyo isboortiga dalka ayaa ku dhaca jeebabka shaqsiyaad gaar ah.

Mid kasta oo kamid ah musharaxiinta raadinaysa xilka ugu sareeya xiriirka kubada cagta Soomaaliya ayaa la aaminsan in ay gadaal ka taagan yihiin siyaasiyiin iyo xoogaga siyaasadeed kuwaasoo u han-qal-taagaya lacagtaas.

Sikastaba ha ahaatee, tani ayaa keentay in uu sii jiitamo khilaafka isla markaana dhinac kasta oo xiriir iskiis ah la sameeyo FIFA. Hab-dhaqankan wuxuu dhaawac weyn u geysanayaan dowladnimada iyo rajadda ay Soomaaliya ka qabto in ay soo ceshato sumcada ay ku lahayd dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM