Qoor-qoor oo soo saarey digniin la xiriirta shirka Dhuusamareeb 3

Image
Image
Image
Image

ANKARA, Turkey - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] oo ka hadlay wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb, ayaa wuxuu mar kale ku celiyey in uusan waqtigiisa kadib mari doonin.

Isagoo magaalada Istanbul ee Turkiga kula hadlay Jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaas ku sugan, Qoor-qoor ayaa rajeeyay in shirkaas lagu xalin doono is-mari-waaga ka jira qodobada hor-tabinta u leh qaranka.

Dhinacyadda kala duwan ee ka qeybgalaya shirka ayuu cod dheer ugu baaqay in ay ka fogaadaan "wax kasta oo wax u dhimaya gogoshaas".

Dhuusamareeb 3, oo daba socda laba kulan kale oo midkood ay si gooni ah u yeesheen madaxda maamulada, kan kale ay ku wehliyeen hogaanka dowlada dhexe, ayaa loo muddeeyay 15-ka bishan August.

Inkasta oo uusan cid gaar ah carabaabin, Qoor-qoor ayaa ka digay isku day kasta oo lagu carqaladeynayo "wadatashigaas Soomaaliyeed".

"Gogoshaas dad badan waxaa laga yaabaa in ay isku dayaan in ay ka af-miin-shaareeyaan; gogoshaas reer Galmudug sidaas ayay ugu taal qof kasta oo masuul Soomaaliyeedna waxaan ka codsanay haddana hortiina aan ka caddeynay in aan rabno in nagula tixgeliyo lagu dhowro reer Galmudugna lagu dhowro, Soomaalina lagu dhowro," ayuu ka dhawaajiyey madaxweynaha.

Ajendaha ugu culus ee wejiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb laga dhowrayo in heshiiska looga gaaro waa nooca lagu galayo doorashada 2020-21, taasoo ay madaxda isku aragti kaga noqon waayeen shirkii hore.

War-murtiyeedkii kasoo baxay wejiga labaad ayaa guddi u saarey qadiyaddaan, kuwaas oo lasoo talobixin doona nooca doorashada; dhinacyadda waxay isku hayaan coddeyn qof iyo cod ah iyo mid dadban.

Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye], sii-haayaha Wasiirka Warfaafinta xukuumadda federaalka, ayaa horey u xaqiijiyey in xisbiyadda mucaaradka ay kasoo muuqan doonan shir-madaxeedkaas.

Soomaalida iyo Beesha Caalamka ayaa si weyn isha ugu haya natiijadda Dhuusamareeb 3. Wallow ay aad u sareyso kalsoonida in xal siyaasadeed la gaaro, haddana waxaan laga sii horudhici karin max-suulka.

MUUQAALKA QOOR-QOOR

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM