Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdishu

Soomaliya

MUQDISHU, Somalia - Qarax culus ayaa goordhaw ka dhacay bartamaha magaalada Muqdishu, ee Caasumadda Somalia.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhashay Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray, kaasi oo ka dhacay meel ku dhaw Hotel lagu magacaabo Mubaarak, oo ku yaalla Wadada Makka Al Mukarama.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay Goobo fog-fog oo ku yaalla magaalada Muqdishu, iyadoo hawada isku shareertay Uuro madow.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid mar hore ay Ciidamada qabteen markii laga shakiyay Gaari, kaasi oo looga tagey Wadada qarkeeda.

Ciidamada Amaanka ayaa goobta xiray waxaana socda baaritaano xooggan.

Fahfaahin kala soco Wararkeena dambe

GAROWEONLINE

Warar la xiriira

MUQDISHU, Somalia - Qarax xooggan ayaa galabta ka dhacay Wadada Makka Al Mukarama, ee Muqdishu, kaasi oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada. 

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa uu ku qarxay afa ...