Gaari Bullet-proof ah oo lagu rasaaseeyay nawaaxiga Villa Soomaaliya [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Ilaalada Aqalka Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, ayaa saaka rasaas xooggan ku furey Gaari nooca Madaxda sare ay wataan, ee loo yaqaano LandCruiser oo aan xabadda karin [Bullet-Proof].

Gaarigan oo aan wadan wax Taargo ah, ayaa lagu rasaaseeyay Barta Koontrool ee ku taalla Isgoyska Sayidka, ee laga ilaaliyo Villa Soomaaliya, kadib markii Ciidamada halkaasi ku sugan ay ka shakiyeen markii uu diiday inuu istaago, oo hubin lagu sameeyo.

Rasaasta ayaa sababtay in Gaariga uu ka banjaro Taayaradda, islamarkaana uu ka baxo wadada, iyadoo Darawalkii waday uu diiday inuu kasoo dagto, waxaana goobta loogu yeeray Saraakiil ciidan oo baaraya cida leh gaarigan Bullet-proof-ka ah.

Lama soo sheegin wax khasaaro ah oo rasaasta kasoo gaartay dadkii ku jiray Gudaha Gaariga, maadaama uu yahay nooca aan xabada karin, waxaana sidoo kale la shaacin natiijada baaritaanka.

Goobta lagu rasaaseeyay Gaarigan ayaa Todobaadyo kahor waxaa ka dhacay qarax gaari, iyo weerar toos ah oo rag hubaysan oo katirsan Al Shabaab ay ku qaadeen Ciidamada Ilaalada Madaxtooyadda.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in Gaariga uu leeyahay Hanti-Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Maxamed Maxmuud Cali [Afgooye], kaasi oo aan la socon Gaariga xilliga shilka.

Amaanka wadooyinka gala Villa Soomaaliya ayaa aad loo adkeeyay wixii ka dambeeyay weerarka, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu kordhiyay kuwii horey u joogay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM