Labo mileeshiyo beeleed oo ku dagaalamay Beledweyn

Image

February 7, 2015 (GO)- Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyoodey ku dhowaad toban kalena way ku dhaawacmeen dagaal u dhexeeya labo mileeshiyo beeleed oo 24tii saac ee ugu dambeeyey ka soconayey gudaha degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa bilowdey gelinkii dambe ee shalay, waxayna wararka  Beledweyn laga helayaa sheegayaan in mileeshiyaadka dagaalamayaa isku haystaan maamulka isbaaro taalla xaafadda Hawl-wadaag.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalka saaka socdaa aad uga culus yahay kii shalay dhacay, waxaana jirta cabsi laga qabo in khasaare xooggani ka dhasho. Boqollaal qoys oo degenaa aagga uu dagaalku ka socdo ayaa u qaxay xaafadaha kale ee magaalada.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka saaka dib mar kale Beledweyn uga qarxey, waxaase la xaqiijiyey in ilaa iyo hadda labo qof oo dhaawac ah midkoodna xaaladiisu halis tahay la gaarsiiyey isbitaalka guud ee degmada.

Dagaalada ku saleysan qabiilka ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey si aad ah ugu soo badanayey gobolka Hiiraan, waxaana xusid mudan in tobanaan qof ku geeriyoodeen dagaalo soo noq noqdey oo labo mileeshiyo beleed ku dhex maray deegaanka Deefow.

Wixii warar ah oo ka soo kordha xaaladda Beledweyn dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM