​Madaxweynaha Somalia oo xilka la wareegaya

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha cusub ee Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmajo, ayaa maanta lagu wadaa inuu xilka kala wareego Xasan Sheekh Maxamud oo looga adkaaday doorashadii dalka ka dhacday 08 February, 2017.

Xafladda Xil-wareejinta ayaa ka socota xarunta Villa Somalia taasoo oo iminka looga yeeray bahda warbaahinta.

Munaasabadda ayaa lagu wadaa inay kasoo qayb galaan xubno katirsan labada Aqal ee Barlamanka Federaalka, xukuumadda waqtigeedu dhammaaday iyo diblomaasiyiin shisheeye.

"Xafladda Xil-wareejinta ayaa qaban qaabadeedu socota, goor-dhow ayay bilaabanaysaa, waxaana goobta isugu yimid madax kala duwan,"Sidaas waxaa GO u sheegay mid kamid ah dadka ku sugan Villa Somalia.

Farmajo iyo Xasan ayaa shalay isku arkay kulan qado ah xarunta Madaxtooyada inkastoo uu weheliyay Guddoomiye Jawaari, waxayna kawada hadleen arrimo ku aadan xaaladda Somalia, Fursadaha xukuumadda cusub iyo waliba sida ay wada-shaqayn uga yeelan lahaayeen hormarka dalka.

Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale kawada hadlay xafladda Xil-wareejinta ee maanta dhici doonta, inkastoo aan xog rasmi ah laga hayn waxyaabaha ay diiradda saareen.

Farmaajo ayaa guul taariikhi ah oo aan la filanayn ka gaaray doorashadii dhacday Arbacadii Todobaadkii hore, isagoo helay codad aqlabiyad leh wareegii Labaad.

Wuxuu si KMG ah ugu shaqaynayay hotel Jazeera oo daganaa tan iyo markii uu ku jiray ololaha doorashada.

Wixii kasoo kordha wararkeena dambe ayaa idiin kusoo gudbin doonaa hadii EEBBE raali ka noqdo

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM