Maxaa ka jira in gudoonka BF uu waddo qorshe liddi ku ah Khayre?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Macluumaad dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa kulankii shalay ay Muqdisho ku yeesheen gudoonka Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya iyo hogaanka Madasha Xisbiyadda Qaran.

Mas'uuliyiinta kulanka kasoo muuqdey ayaa kala ah; Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Aqalka Hoose, ku xigeenkiisa, Cabdiwali Ibraahim Muudey, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh.

Warar xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in gudoonka Golaha Shacabka ay wadeen qorshe ay in muddo kordhin laba sano loo sameeyo hay'addaha dowladda gaar ahaan baarlamaanka iyo madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiye Mursal iyo Muudey ayaa la wariyey in ay kulanka kusoo bandhigeen qorshe ah in la bedelo xukuumadda isla markaana qaar kamid ah xubnaha mucaaradka ay la yimaadaan ra'iisul wasaaraha cusub.

Illaa iyo haatan, lama xaqiijin mowqifka uu dhinaca kale iska taagay qorshahaas oo ay gedaal ka riixayaan xubno aad ugu dhow Farmaajo.

Tani ayaa kusoo hagaageysa iyaddoo ra'iisul wasaare Khayre uu shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib booqasho uu Qadar ku tegay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka mucaaradka ah ee Wadajir, ayaa si xoogan uga digay qorshahaas.

"Mursal iyo Muudeey muddo xiloodkooda 4 bil oo keli ah ayaa ka harsan. Halkii uu waqti kaga lumi lahaa muddo kororsi iyo in xiligan xukuumad la bedelo, waxaa u haboon in ay waqtigooda geliyaan sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo si nabad ah xiligeeda ku dhacda. Haddii ay kaalintooda gabaan, cid kale ayaa kol aan dheerayn buuxin doonta. Waxaa dhiragelin mudan kaalinta Guddoonka Aqalka Sare," ayuu kusoo qoray Facebook.

Dhanka kale, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, lataliyaha sarre ee afhayeenka Golaha Shacabka, ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in gudoonka Aqalka uu baadigoobayo waqti ku darsi.

"Dacaayadaha raqiiska ah ee ay faafinaayaan Siyaasiyiinta qaar ee ah in Gudoonka Golaha Shacabka BJFS uu ka shaqeynayo ku darsasho ama dheereysasho waa been aan sal iyo raad midna laheen," ayuu yiri.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu intaas ku daray: "Golaha Shacabka wuxuu soo gabagabeeyey dhamaan 4 tii qaraar ee ka harsaneed Sharcigii Doorashooyinka Qaranka ee heer Federaal, wuxuuna dhegeystey warbixintii mudada la sugayey ee Gudiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka. Ilaa iyo haddana wax go’aan ah ma uusan soo saarin Goluhu lagamana doodin soojeedinta Gudiga".

"Gudoonku wuxuu ku mashquulsanyahay oo keliya talo aruurin ku aadan halkii looga dhaqaaqi lahaa meesha hadda la taaganyahay," ayuu kusoo gabagabeeyay, isagoo aanan soo hadal-qaadin arrinta bedelka Khayre.

Muddo xileedka goleyaasha sharci-dejinta Soomaaliya ayaa dhacaya bisha November ee sanadkan 2020, halka madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaanayo bisha Febraayo ee sanadka nagu soo fool leh ee 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM