Qarax Ismiidaamin ah oo lagu fashiliyay Guriceel [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

GURICEEL, Soomaaliya - Ciidamo sugan Guriceel oo katirsan gobolka Galgaduud ayaa kahor tagey qarax Ismiidaamin ah oo la dooneyay in lagu weeraro munaasabad ka socotay magaaladda.

Wararka ayaa sheegay in nin isku soo xiray walxaha qarxa lagu qabtey meel fagaaro ah, oo ay isagu soo baxeen Askar iyo dadweyne xuseyay dagaalyahanadii Ururka Ahlu Sunna uga geeriyoodey dagaalka Al-Shabaab.

Sawirro goobta laga soo qaadey ayaa muujinaya dhowr Askari oo dhulka ku jiidaya nin la sheegay in la legday isagoo kusoo jeeda qeybta ay fadhiyaan saraakiisha sare, isagoo doonayay inuu fuliyo qarax ismiidaamin ah.

Ninkan ayaa iska dhigay inuu yahay "Gabyaa" waxaana uu isku dayay inuu la wareego Microphone-ka goobta xuska uu ka socday, balse ay ogaadeen ciidamada amniga, kadibna ay kahor tageen inta uusan is-qarxin.

Dadweynaha iyo Askarta ayaa isagu tagey ninkan rabey inuu is-qarxiyo, iyagoo ku sameeyay jirdil, sida ka muuqata sawiradda, waxaana la ogeyn waxa uu maamulka Guriceel ka yeeli doono shaqsigan.

Al-Shabaab ayaa laga saarey degaanno iyo degmooyin dhowr ah oo ku yaalla Galgadauud, kadib markii duulaan culus ay kusoo qaadeen malleeshiyaadka Ahlu Sunna, oo hadda gacanta ku haya Dhuusamareen, Guriceel iyo degaanno hoostaga.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Booliska Muqdisho oo xiray dhalinyaro lagu eedeeyay rabshado, mucaaradka oo cambaareeyay

Waxa uu sheegay in lix dhalinyaro ah loo xiray ka qeybgalka bannaanbax nabadeed ka dhacay magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2026

  • 08:06AM

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM