Sidee Madaxda Qaranka Shacabka ugula ciideen Muqdisho? [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dunida Muslim-ka waxay maanta u tahay maalin uga duwan maalmaha kale, iyagoo u dabaal-degaya munaasabadda Ciidul Adxa, oo kamid ah labada ciidood ee Muslimiinta.

Magaalooyinka dalka Soomaaliya ayaa si isku mid ah looga ciiday maanta, iyadoo madaxda qaranka iyo kuwa maamullada ay u direen shacabka hambalyo ku aadan Ciida, una rajeeyay nabad iyo barwaaqo.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, wasiiro katirsan Xukuumadiisa, Xildhibaanno iyo mas'uuliyiin kale ayaa shacab badan Salaadda Ciida kula tukadey Masjidka Isbaheysiga oo ku dhaw Villa Soomaaliya.

Khayre ayaa shacabka u diray hambalyo ku saabsan munaasabadda Ciidda carafa, isagoo dhanka kale ummadda u sheegay in xaalka dalku uu wanaagsan yahay, islamarkaana dowladda ay wado dedaallo.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaanan maanta kasoo muuqan fagaaraha iyo Masjidka Isbaheysa oo inta badan maalmahan oo kale shacabka kula hadli jiray, mana la oga sababta uu uga baaqday.

Laakiin, qoraal lasoo dhigay bogga Twitter-ka Villa Soomaaliya ayaa Farmaajo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa.

Amniga Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay iyadoo dadweynaha ay u kala gooshaya qeybaha kala duwan ee magaalada, waxaana furan dhammaan wadooyinka , iyadoo ciidii Soon-furka ay xirnaayeen jidadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM