Somalia iyo Italy: "Dalkii la gumeysan jiray oo caawinaya gumeystaha"

Image

ROMA, Italy – Warbaahinta dalka Talyaaniga ayaa siyaabo kala duwan waxay u falanqeysay dhakhaatiir ay Dowladda Soomaaliya shaacisay in ay u direyso Italy si ay qeyb uga noqdaan ololaha ka hortaga Coronavirus.

Wargeyska La Stampa oo kamid ah jaraa'idada ugu afka dheer wadankaas ayaa sheekadaas ka sameeyay warbixin hadalheyn xoog badan dhalisay.

Qoromada jaraa'idka waxaa ciwaan looga digay: "20 dhakhtar oo Soomaali ah oo diyaar u ah in ay yimaadaan Italy: Xili uu jiro Coronavirus, kii la gumeysan jiray ayaa caawinaya gumeystaha".

Talyaaniga ayaa gumeystay koonfurta Soomaaliya, halka waqooyi ay gacanta ku haysay Britain, iyaddoo Jabuuti uu maamulayey Faransiiska.

Xirfadlayaasha caafimaad waxaa ka direysa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, sidda ay xaqiijisay Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka federaalka.

Kadib halgan dheer oo dad badan ay ku dhinteen qaar kelana ku barakaceen, Soomaaliya ayaa xorriyadeeda soo ceshatay sanadkii 1960-kii.

Shirkii Berlin ee dhacay 1884–85 kaas oo wadamada Yurub ku qeybsadeen dalalka qaarada Afrika ayay Roma ku qabsaday wadamo ay kamid tahay Soomaaliya isla markaana uu gacanta ku hayey muddo dheer.

Kiisaska Covid—19 ee Talyaaniga ayaa ka badan 100-kun, iyaddoo dhimashadda ay ku dhow dahay 15-kun oo ruux, kuwaas oo badankooda ah dad waayeel ah, sidda ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.

Soomaaliya ayaa xaqiijisay todoba kiis oo laba kamid ah ay yihiin ajaaniib ku sugan Muqdisho; dhanka Somaliland waxaa laga soo wariyey laba kiis oo midkood uu Shiinees yahay, wallow Muqdisho ay shaki gelisay.

Coronavirus ayaa guud ahaan caalamka oo idil kusoo ritay in ka badan hal milyan oo qof, iyaddoo ay u dhinteen ku dhowaad 50-kun kale, waxaana kasoo kacay in ka badan 150-kun, sidda ay shaacisay hay'adda WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM