Soomaaliya iyo Qadar oo xoojinaya iskaashiga dhaqaalaha iyo aminga

Xukuumadda Dooxa ayaa maalgelisay go'aano siyaasadeed oo Villa Soomaaliya lagu dhaleeceeyay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, ahna wasiirka arrimadda dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo mudane Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga.

Qatar ayaa kamid ah Dowladaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida joogtada ah uga taageera hir-gelinta mashaariicda horumarineed iyo dib-u-dhiska dalka.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Wararkii ugu dambeeyey