Wasaarada Batroolka Soomaaliya oo Khilaaftey Kulan, Sababta?

Image

NAIROBI, Kenya - Dhowaan ayaa waxaa hay'ad cilmi baaris ah oo la yiraahdo International Research Network "IRN" ic-laamisay iney magaalada Nairobi ku qaban doonaan 19-21 March, 2018 shirweyne lagaga hadli doono shidaalka iyo macdanta ku jirta dalka Soomaaliya.

Haya'adaan oo tageero u raadineysa kulankaan ayaa Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’isal wasaraha Cabdulahi Xaamud Maxamad qoraal uu u direy madaxa hay'adaas (IRN) Ben Hillary ayuu ugu sheegey in dowlada Soomaaliya tageereyso shirweynahaan lagu qaban doono dalka Kenya. Waraaqda wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’isla waaarahaa  ayaa ku jirta Website-ka hay'adaan iyagoo ku muujinaya iney haystaan tageerada Mudane Xasan Cali Khayre.

Waraaqda Wasiiru dowlaha oo ka muuqata Website IRN

Qoraal hay'adaan ku shaacineyso sida uu u dhacayo shirweynahaan iyo dadka ka hadli doona waxay sheegeen inuu kamid yahay Ra'isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyadoo ay muuqato in balanqaadkaan IRN uu siiyey Wasiiru Xafiiska Wasiirka Kowaad ee Soomaaliya.

Ra'isal wasaare Khayre oo ka muuqda bogga IRN.

IRN ayaa qoraal ay ka baahisay, kulankaan qabashadiisa ku sheegtey iney la kaashaneyso hay'ado ka tirsan dowlada kuwasoo kamid yihiin Wasaarada Batroolka iyo Bangiga Dhexe ee dowlada Federaalka ah, kaasoo lagaga hadli doono heerka uu marayo hurumarka soo saarista shidaalka iyo macdanta Soomaaliya halka lagu falanqayn doono sharciga qaybsiga wax-soo-saarka (PSA).

Hay'adaan ayaa sidoo kale sheegtey in shirweynahaan lagaga hadli doona sharciga Macdan Baarista Soomaaliya iyo saameynta baarista khayraadkaan uu ku yeelan karo xaalada amni ee dalka jirta.

Shirweynahaan ayaa IRN sheegtey inta uu socdo ay si gooni ah hadal uga jeedin doonaan hay'ado caalami ah oo ay kamid yihiin AFDB, IMF iyo Bangiga Aduunka kuwasoo uga warbixin doona kasoo qayb galayasha halka ay mareyso maalgalinta ay ku sameynayaan baarista Shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya.

Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa lagu sheegey qoraalka IRN inuu furi doono Ra'isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre isagoo kala qayb gali doono madax ka socota shirkado daneyneynaya in maalgalin ku sameeyaan baarista Khayraadka shidaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Batroolka Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdirashid Maxamad Axmad ayaa qoraal uu soo saarey 6 Nov, 2017 ku diidey waraaqdii Wasiiru Dowlaha Cabdulahi Xaamud Maxamad ku tageerey shirweynahaan.

Cabdirashid Maxamad Axmad oo waraaqdaan Nuqul kamid ah Warsidaha Garowe online soo gaartey ayaa u direy madaxa hay'ada IRN Ben Hillary.

Wsaiirka Batroolka DF Soomaaliya Cabdirashid Maxamad Axmad

"Waxaa la yaab ugu noqotey in hay'ada IRN ay qaban qaabineyso kulan lagaga hadlayo Shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya kasoo lagu qabanayo Nairobi  March, 2018, Waxaan si cad kuugu soo qorayaa in Wasaarada Batroolka aysan wax shaqo ah ku laheyn kulankaas islamarkaana aysan taageersaneyn shirweynahaan," sidaa waxaa qoraalka ku yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo la hadlaya madaxa hay'adaan.

Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sheegey in shirweyne walba oo caalami ah ee lagaga hadlayo arimaha shidaalka Somaaliya ay bilaabi karto islamarkaana qaban qaabadiisa leedahay Wasaarada Batroolka Soomaaliya.

" Ku dhawaaqida aad ku sameysay shirweynahaan waxaa ay jahawareer ka dhex abuurtey shirkadaha Shidaalka iyo wasaarada Batroolka, sidoo kale sharciga shidaalka waxaa uu weli horyaalaa aqalada Barlamanada Soomaaliya," ayuu waraaqdiisa ku yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya isagoo la hadlaya Ben Hillary.

Ugu dambeyntii Wasiirka Batroolka ayaa ka dalbadey hay'ada IRN iyo qabanqaabiyaasha kulankaan in si deg deg ah ku joojiyaan shirweynahaan.

Maxaa sababey in kulankaan la joojiyo?

Iyadoo ay jiraan wada shaqeyn la'aan u dhexeysa golaha Wasiirada dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan mas'uuliyiinta kawada tirsan wasaaradaha dowlada kuwasoo xulafeysi siyasadeed la kala leh Ra'isla wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa waxaa jira hadana culeys kaga yimid Wasaarada Batroolka Soomaaliya shirkada Soma Oil & Gas  taasoo ku dalbatey in shirweynahaan la baajiyo. Wasaarada Batroolka ayaa mushaharka shaqalaheeda iyo kharashkeeda guud waxaa bixisa shirkada Soma Oil.

"Talaabadaan ayaa ka dhigeysa mid aan waafaqsaneyn shuruucda caalamiga ah taasoo shaqada Wasaarada Batroolka ka dhigeysa mid aan u madax banaaneyn howlaheeda ( Conflict of Intrest)," Sidaas waxaa Garowe Online u sheegey qof ku takhasusey sharciga baarista shidaalka oo ku sugan Nairobi kaasoo diidey magciisa in aan xusno xaaladaha jira awgood.

Soma Oil & Gas oo xarunteedu ku taal magaalada London ayaa iyadu haysa xog ay sheegtey in baaris shidaal ka sameysay dalka Soomaaliya islamarkanaa website-keeda ku xustey in dowlada Federaalka heshiis ay la gashey August, 2013, iyadoo ka taageeri doonta sidii loo soo saari lahaa shidaalka Soomaaliya islamarkaana loogu heli lahaa maalgalin caalami ah Halka Ka Akhri .

Ra'isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa inta uu xilka Wasiirka Kowaad qaban waxaa uu shirkadaan u ahaa Mareeyaheeda howlaha ay ka wado Afrika Halkaan Ka Akhri isagoo xilkaan iska casiley 23 Feb, 2017.

Ra'isal wasaare Khayre inta aan loo magacabin Xafiiska Wasiirka Kowaad ee Somaaliya

Qoraalkaan kasoo baxay Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’isal Wasaaraha ayaa noqonaya midkii labaad ay xukuukamda Ra'isal Wasaare Khayre howl-wadeenadeedu isku khilaafaan shaqada dalka u hayaan kadib markii bishii September Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha gudaha taageerey xil ka qaadis la sheegey in lagu sameeyey Madaxweyne Xaaf iyadoo Wasiirka Wasaaarada "Juxa" safar dibad ah dalka uga maqan yahay.

Xuuqda qoraalkaan waxaa iska leh Warsidaha GO, Dib u daabicis maqaalkaan kala soo xiriir office@garoweonline.com 

Related Articles

Xamsa oo maalgashiga dalka ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dagan Kenya

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo fursaha jira.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:20AM

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay Shir laba-geesood ah

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galey xubno ka socday labada dowladood oo ay kala hoggaaminayeen Xamse iyo Rigathi.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:32PM