Xaaf oo eryay wasiir dhaliilay guddiga shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa waxa uu xilkii ka qaadey Wasiirkii Qorsheynta Galmudug, Cabdikaafi Maxamed Maxamuud.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Xaaf ayaa ku eedeeyay Cabdikaafi "xil gudasho la'aan, amar diido iyo in aysan la shaqeyn karin hay'addaha caalamka iyo dowlada federaalka."

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online ayaa lagu xusay in xilkaasi uu si ku meel gaar ah uu u siin hayn doono Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan.

Cismaan ayaa waxa uu haatan yahay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamka ee dowlad goboleedka caasimadiisu tahay magaaladda Dhuusamareeb.

Mas'uulka oo aanan wali ka hadlin shaqo ka eryidiisa ayaa shaaciyey in uu kala "jabay" Guddiga Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug kadib khilaaf soo kala dhex-galay.

Cabdikaafi oo sidoo kale ah xoghayaha guddigaasi ayaa wuxuu dhaliilay qaabka ay wax u socdaan saaxiibadii, isaga oo sheegay "in lagu fulinayo dano gaar ah".

Isaga oo ganafka ku dhuftay sheegashooyinku ku aadan in guddiga laga saarey, is-maandhaafka soo kala dhex-galay guddigooda ayuu ku tilmaamay maalmaha uu shirku soconayo.

Dhinaca kale, gudoomiyaha guddiga, Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa beeniyay in uu khilaaf soo kala dhex-galay guddigooda, wuxuuna shaaciyey in shirka uu qabsoomayo dhowaan.

Shirka dib u heshiisiinta Galmuug oo markii labaad dib uga dhacay waqti loo muddeyay ayaa nan wali shaacin waqtiga uu furmayo, iyadoo Ergadii ka qeyb geli lahayd ay joogan Dhuusamareeb oo ay taalo gogosha.

QORAALKA XAAF

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Soomaaliya oo sheegay inay qabteen nin halis ah oo kasoo baxsaday G/Hiiraan

Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, eedeysanaha ayaa ka baxsaday goobta dhacdadu ka dhacday kadib weerarka.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 09:05AM

Booliska Muqdisho oo xiray dhalinyaro lagu eedeeyay rabshado, mucaaradka oo cambaareeyay

Waxa uu sheegay in lix dhalinyaro ah loo xiray ka qeybgalka bannaanbax nabadeed ka dhacay magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2026

  • 08:06AM