Xaaf oo eryay wasiir dhaliilay guddiga shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa waxa uu xilkii ka qaadey Wasiirkii Qorsheynta Galmudug, Cabdikaafi Maxamed Maxamuud.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Xaaf ayaa ku eedeeyay Cabdikaafi "xil gudasho la'aan, amar diido iyo in aysan la shaqeyn karin hay'addaha caalamka iyo dowlada federaalka."

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online ayaa lagu xusay in xilkaasi uu si ku meel gaar ah uu u siin hayn doono Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan.

Cismaan ayaa waxa uu haatan yahay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamka ee dowlad goboleedka caasimadiisu tahay magaaladda Dhuusamareeb.

Mas'uulka oo aanan wali ka hadlin shaqo ka eryidiisa ayaa shaaciyey in uu kala "jabay" Guddiga Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug kadib khilaaf soo kala dhex-galay.

Cabdikaafi oo sidoo kale ah xoghayaha guddigaasi ayaa wuxuu dhaliilay qaabka ay wax u socdaan saaxiibadii, isaga oo sheegay "in lagu fulinayo dano gaar ah".

Isaga oo ganafka ku dhuftay sheegashooyinku ku aadan in guddiga laga saarey, is-maandhaafka soo kala dhex-galay guddigooda ayuu ku tilmaamay maalmaha uu shirku soconayo.

Dhinaca kale, gudoomiyaha guddiga, Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa beeniyay in uu khilaaf soo kala dhex-galay guddigooda, wuxuuna shaaciyey in shirka uu qabsoomayo dhowaan.

Shirka dib u heshiisiinta Galmuug oo markii labaad dib uga dhacay waqti loo muddeyay ayaa nan wali shaacin waqtiga uu furmayo, iyadoo Ergadii ka qeyb geli lahayd ay joogan Dhuusamareeb oo ay taalo gogosha.

QORAALKA XAAF

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM