Muuse Biixi oo weerar afka ah ku qaaday saxaafada ka jirta Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha Somaliland, ayaa qaabilay wafdi culimo ah oo ka yimid dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Sidda laga soo xigtay illo wareedyo lagu kalsoon yahay, Biixi ayaa kala hadlay wadaadada sidii ay ugu kala dab-qaadi lahaayeen isaga iyo mucaaradka ku kacsan.

Biixi oo ka hadlay munaasabada ayaa waxa uu soo bandhigay laba arrimood oo uu sheegay in haatan ay ka jiraan Somaliland kuwaasi oo halis ku ah maamulkaasi.

- Qabyaaladda –

Somaliland oo madax banaani sheegata tan iyo 1991-dii wallow aanu helin aqoonsi caalami ah, haddana wali waxaa ku xoogan nidaamka qabyaaladda.

Sidda laga soo xigtay Muuse Biixi, mid kasta oo kamida beelaha dega Somaliland waxa uu heegan, isaga oo cabsi ka qaba dagaal uga yimaada Qabaa'ilka kale.

Hogaamiyaha maamulka gooni isu taagga ayaa wuxuu cod dheer ku dalbaday in laga gudbo hab-dhaqankaasi, inkasta oo qudhiisa lagu eedeeyo in uu ku dhex-milmay.

"Inkasta oo 30-sano ay dowlad nahay, dadka wali waxaa ku jirta is-ilaalin. Reerba reerka kale ayuu iska ilaalinayaa, waa dhibaato. Hadey wax dhibaato dhex-maraa xabad baa qarxeysa. Xabadna tii bari hore maa hee maalintii baa intaasi oo kumood ku baaba'eysa, waa musiibo u baahan ineyno xoog iyo qaran isugu geyno. Inaga oo kaliya maahee inta Af-Soomaali ku hadasho intaas buu Ilaahey ku ibtaleeyay. Marka gurmad iyo ALLE baryi caam ah baa ina hortaala runtii, hadii kale talaabo cid qaadeyso malahan meel walba dhiig baa yaalla," ayuu Muuse Biixi yiri, isaga oo u muuqda mid qiireysan.

- Warbaahinta –

Inkasta oo uusan si cad u magac dhabin, haddana waxa oo Muuse Biixi u muuqdaa mid ay maqaar-xanuunjisay dhaliilaha uga imaanaya siyaasiyiinta kasoo horjeeda.

Mid kamida saraakiishii hore ee jabhadda SNM ayaa weerar afka ah ku qaaday warbaahinta ka jirta degaanadda Somaliland oo uu ku tilmaamay "kuwa uu afkooda kasoo baxo wax kasta".

"Malaha diin iyo dadnimo labaduba midna uma wanaagsan. Intuu qof weyn meel fagaaro ah isa soo taago oo caalamka oo idil maqlayo oo waliba dunida casriga oo bahaluhu tuurayaan, oo qofkaasi wayn uu been sheego, inuu qof aan ka gelin caayo, in uu dadka ka shido fidno aan jirin, haddana aan lala ceebeysanoo oo lala qaxweeyoo, lana qoslo oo loo yimaado, waa mucjiso waliba gaar u ah Somaliland. Boqol TV baa Af-Soomaali ku hadloo kan Somaliland baa wax kasta iska soo baxa, waa cudur Somaliland ilaahey ku saladay, waxay ila tahay in arrintaasi caqli celin, talo iyo sharci haloo doono," ayuu daba dhigay.

Hadaladda xanafta madaxweyne Biixi ayaa imaanaya xili maamulkiisa lagu eedeeyo caburinta saxaafada xorta ah, xarigga siyaasiyiinta ka aragtida duwan iyo shaqsiyaadka bulshada magaca ku leh.

Todobaadkii hore ayay ahayd ka gedaal markii ciidamada Booliska ay xabsiga dhigeen Xildhibaan, kaasi oo dabaaldega 18-ka May ku tilmaamay maalin gaar u ah "Beesha SNM" xili mudanaha uu wali xabsi ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM