Fadal oo "Aas Qaran" loo sameeyay xili Biixi uu ammaanay marxuumka

Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay "Aas qaran" oo maanta xabaalaha Masallaha ee Hargeysa loogu sameeyey taliyihii Booliska Somaliland, Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Aaska qaran ee loo sameeyey taliyihii ciidanka Booliska Somaliland, marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay shir guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, taliyayaal katirsan ciidamada kala duwan ee qaranka, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, salaadiin, culmimaa’udiin iyo badiba haldoorka reer Somaliland, waxana salaadda jinaasada lagaga tukaday masaasjika Sheekh Mustafe ee magaalada Hargeysa.

Ugu horrayn, qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka oo hadallo kooban ka jeediyey goobta Aaska, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, waxana ay tacsi u direen ehelladii iyo qaraabadii uu ka baxay iyo ciidanka Booliska ee uu taliyahooda ahaa.

Guddoomiyayaasha goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, ayaa iyaguna si isku mid ah tacsi ugu diray ehelladii uu marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan ka baxay iyo ciidamada Booliska Somaliland, waxana ay ku dheeraadeen doorkii uu ku lahaa dhismaha nabadda.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo xabaasha dusheeda ka hadlay, ayaa tilmaamay inuu marxuumku kamid ahaa bud-bigayaashii nabadda ay Somaliland ku naalloonayso, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu waqti badan geliyey dhismaha ciidanka Booliska iyo tayeyntooda, isaga oo wasiirku tacsi u diray ciidamada Booliska iyo ehelladii uu marxuumku ka baxay.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qaraabada iyo guud ahaanba ciidanka Booliska iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay marxuum sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ahaa taliyihii ciidanka Booliska Somaliland.

Waxana uu marxuumka ku sifeeyey halyey waqti badan geliyey dhismaha qarankiisa iyo Aas-aaska nabadgelyada.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Marxuum Cabdilaahi Fadal uu noloshiisa u huray hirgelinta nabadda iyo dhismaha ciidamada Booliska Somaliland, “Ninkaasi intii uu noolaa qaranka uun buu u shaqaynayey, soddonkii sanno ee ugu dambeeyey Somaliland maalintii la Aas aasay ilaa iyo maanta waxan u malaynayaa nabadgelyada nin la mid ah mooyaane nin uga badsaday dhisiddeeda iyo ilaalinteeda inaanu jirin.

Wuxuu raaciyey: "...sarkaal hoose ayuu kasoo bilaabay iyada oo aannu xabsi jirin, ilaa maanta uu ciidanka dhan ee uu sarreeye gaaska ka ahaa ka dhismay, intaas oo taliye oo soo shaqaysayna hawlgelinta ayuun buu ahaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Biixi, waxa uu si gaar ah u xusay sifooyinkii lama illaawaanka ahaa ee Marxuumku lahaa waqtiyadii uu shaqada ku jirey, waxana uu yidhi, “Telefoonkiisu ma damaynin, ma seexanayn, ma nasanayn oo nabadgelyada uun buu u taagnaa hadh iyo habeen".

Gabagabadda hadalkiisa ayaa wuxuu Muuse Biixi kusoo xiray: "Ilaahayna wuu ka abaalmarin doonaa, Taariikh ifka oo wanaagsan oo halgan uu dalkiisa dhisayna wuu leeyahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM