Puntland oo qoraalka kaga hadashay shirka Muqdishu

Image

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25-Jan-2016 xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kaga qayb galay shir hordhac u ah shirweynaha madasha wadatashiga qaran ee hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka.

Shirka ayaa waxaa iyana goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Federaalka, Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka, Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka, guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha Baarlamaanka dawladda federaalka, madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka kajira iyo Wakiillada Beesha Caalamka.

Shirkaan oo gogol xaar u ahaa shirweynaha madasha wadatashiga qaran ayaa waxaa ugu horraynba khudbad kajeediyey Madaxweynaha Dawladda Federaalka oo khudbadiisa ku sheegay in ay jiraan heshiisyo lagu soo gaarey shirkii Kismaayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo intaasi kadib khudbad xasaasi ah kajeediyey shirka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkii Madaxweynaha Dalwadda Federaala, isla markaasna sheegay in uu ka xunyahay in madaxda sare ee dalku ay shirka ka sheegaan warar aan sal iyo raad lahayn.

“waxaan aad uga xumahay beesha caalamka iyo madaxda soomaaliyeed hortooda inaan ka caddeeyo warka ka soo yeeray Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha ee sheegeya in Kismaayo heshiis lagu gaadhey, waxaanse halkan kaxaqiijinayaa in aanay jirin wax heshiis ah oo lagu soo gaarey magaalada Kismaayo oo la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo waftigiisu ay halkaan u yimaadeen wadatashi balse aanay u socon in ay qayb ka ahaadaan go’aano hore loo gaadhey, isagoona ku celiyey mawqifkii Puntland ee ahaa in Deegaan wax lagu soo doorto si loo helo metelaad shacbi oo dhab ah.

“Puntland waxay halkaan u timi wada tashi, si loo helo dawladnimo soomaaliyeed oo sax ah oo ku dhisan caddaalad, balse uma iman in aanu ka-qayb qaadano go’aano hore loo gaarey,sidoo kalena Puntland kama shaqaynayo go’aano ay cid keliya halkaan ku gaartey, mawqika Puntland waa In Deegaan wax lagu soo doorto” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli.

---DHAMMAAD---

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM