Dhacdooyinkii Soomaaliya ka dhacay Sanadkii 2017

Image

GAROWE ONLINE - Waa Warbixin gaar ah oo ku saabsan dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee ka dhacay guud ahaan Soomaaliya Sanadkii 2017-ka.

1/1/2017 Barllamanka Cusub ee Federaalka Soomaaliya oo magacaabey guddi doorasho oo ka kooban 15 xubnood iyagoo laaley guddi doorasho oo horey u jirey kasoo rabey iney maamulaan doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacdey bilowgii sanadkaan. Halkan ka akhri.

2/1/2017 Guddiga doorashada Guddoonka aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya oo gooyey waqtiga ay dhaceyso doorashada Gudoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeenadiisa. Halkan ka akhri.

5/1/2017 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo si rasmiya xariga uga jarey xarunta cusub ee KMG ee aqalka sare Dowlada Federaalka taasoo aheyd dhisme dowada Tirkiga dayactir ku sameysay halka dhinaca kale uu furey Kalfadhiga Kowaad ee aqalkaas. Halkan ka akhri. 

10/1/2017 Barlamanka maamulka Galmudug oo xilka ka qaadey Madaxweyne Cabdikarim Xuseen Guuleed kadib markii ay ku eedeeyeen xil gudasho la’aan. Guuleed ayaa waxay aad isugu dhowaayeen Madaxweynihii hore ee Dowlada Federaalka Soomaaliya. Xil ka qaadistaan ayaa dhabar jab siyaasadeed ku aheyd Xasan Shiikh oo markaas Musharax ahaa. Halkan ka akhri.

11/01/2017 Aqalka hoose Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale gudoomiye u doortey Maxamad Cismaan Jawaari kadib markii uu loolan adag dhexmarey Cabdirashid Maxamad Xidig. Halkan ka akhri.

16/01/2017 10 qof ayaa ku dhintey gaari Bus ah kadib markii Gadiid ciidmada AMISOM leeyihiin uu Dusha ka marey Wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye. Halkan ka akhri.

22/01/2017 Cabdi Xaashi Cabdulahi ayaa loo doortey Gudoomiyaha aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya. Halkan ka akhri. 

24/01/2017 Waxaa kulan wadajir ah markii ugu horeysay taariikhda Soomaaliya wada qaatey labada aqal ee Barlamanada Soomaaliya ( Golaha Shacabka iyo Aqalka wakiilada maamulada Soomaaliya) kasoo ay kaga hadlayeen qalabkii loo qaban lahaa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya. Halkan ka akhri.

25/01/2017 Ururka Al Shabaab ayaa weerar la beegsadey Hotel Dayax oo ku yaal magalada Muqdisho. Hotelka ayaa waxaa daganaa qaar ka tirsan Xildhibaanada cusub ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya. Waxaa ku dhintey Hotelkaas dad gaaraya 12 qof halka dhaawacu gaaray 51 qof. Halkan akhri.

25/1/2017 Barlamanada Soomaaliya ayaa mudeeyey waqtiga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya taasoo ku dhawaaqeen iney tahay 8 Feb.2017.

27/01//017 Weerar ururka Al Shabaab ku qaadey tuulada Kulbiyo oo 18 KM u jirta xuduudka dalka Soomaaliya iyo Kenya. Weerarkaan oo socdey muddo 90 daqiiqo ayaa lagu diley 67 askari oo ka tirsanaa ciidmaada AMISOM ee Kenya. Halkan ka akhri.

08/02/2017 Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse oo geeryoodey. Halkan ka akhri.

08/02/2017 Maxamad Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku guuleystey xilka Madaxweynaha Soomaaliya kadib markii ay doorteen xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Barlamanada Federaalka Soomaaliya. Farmaajo ayaa 184 Cod ku guuleystey kadib markii ay codka bixiyeen 327 Mudane. Halkan ka akhri.

16/02/2017 Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilka la wareegey, xaflada ayaa ka dhacdey Vuillard Soomaaliya. Halkan ka akhri. 

19/02/2017 Al Shabaab ayaa qarax la beegsatey saldhig booliis oo ku yaal magalada Muqdisho ku dishey 30 ruux. Halkan akhri.

20/02/2017 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa u balanqaadey qofkii soo sheega qarax la diyaarinayo 100,000 USD. halkan ka akhri.

23/02/2017 Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Ra’isal wasaare u magacaabey Xasan Cali Khayre. Halkan ka akhri.

08/03/2017 Xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland oo qarax lagu diley isagoo ku sugan magaalada Galkacayo. Halkan ka akhri. 

13/03/2017 Qarax ka dhacey Hotel Weheliye oo ku yaal magalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintey dad gaaraya 10 ruux. Halkan ka akhri.

21/03/2017 Ra’iisul wasaare Khayre oo magacaabey golihiisa Wasiirada. Halkan ka akhri.

25/03/2017 Madaxweyne Farmaajo oo digniin u direy golihiisa Wasiirada isagoo u sheegey iney qaranka maralaan balse qabaa’ilka ay kasoo jeedaan u joogin xafiiska. Halkan ka akhri. 

29/03/2017 Dowlada Kenya oo fasaxdey In duulimaadyada Muqdishu iyo Kenya si toos ah uga dagaan magaalada Nairobi. Halkan ka akhri. 

06/04/2017 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa isaga oo xiran dharka Ciidmada waxaa uu iclaamiyey In dagaal ka dhan ah ururka Al Shabaab. Halkan ka akhri.

17/04/2017 Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulankiisa ugu horeeyey la yeeshey madaxda maamulada iyagoo kasoo saarey warmurtiyeed. Halkan ka akhri.

03/05/2017 Xildhibanada Barlamanka Galmudug ayaa Axmad Ducaale Xaaf u doortey Madaxweynaha maamulkaas kadib loolan adag. Halkan ka akhri.

03/05/2017 Wasiir ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya oo magaciisa la oran jirey AHN Cabaas Cabdulahi Shiikh Siraaji ayaa askari Ilaalo ah toogasho ku diley magalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Villa Somalia. Halkan ka akhri.

31/05/2017 Madaxweynaha Soomaaliya oo agasimaha Madaxtooyada u magacaabey Fahad Yaasiin oo ahaa shaqsigii ka dambeeyey inuu ku guuleystey xilkaan. Halkan ka akhri. 

07/06/2017 Dowlada Federaalka Soomaaliya oo sheegtey iney dhexdhexaad ka istaagtey khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka. Halkan ka akhri.

08/06/2017 Ururka Al Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaadey ciidamada Puntland oo ku sugnaa degaanka Af-urur ee gobolka Barri. Dagaalkaan ayaa waxaa ku dhintey 50 qof oo isugu jirey ciidamo iyo qoysas ku noolaa tuuladaas. Halkan ka akhri.

15/06/2017 Al Shabaab oo weerar ay ku qaadey Pizza House oo ku yaal Muqdisho ku dishey 22 qof. Halkan ka akhri. 

19/06/2017 Maxamakada Ciidamada Soomaaliya oo xukun dil ah ku ridey gacan ku dhiiglihii diley Wasiir Siraaji. Halkan ka akhri. 

3-dii June, 2017, Al Shabaab ayaa weerar culus oo Askar badan lagu dilay ku qaadey Saldhigga ciidamda Kenya ee deegaanka Kulbiyow oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose. Halkan ka akhri.

13-kii August, 2017, Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, Afhayeenkii hore ee Al Shabaab ayaa isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya. Halkan ka akhri.

14-kii August, 2017, Baarlamaanka HirShabeelle ayaa xilkii ka qaadey Madaxweynihii maamulkaasi ugu horeeyay Cali Cabdullaahi Cosoble. Halkan ka akhri.

21-kii August, 2017, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay Gollahiisa Wasiiradda. Halkan ka akhri. 

25-kii August, 2017, Ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ka fuliyay beer ku taalla duleedka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose, kaasi oo lagu dilay 10 qof oo la sheegay inay shacab ahaayeen. Halkan ka akhri.

16-kii October, 2017, Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka HirShabeelle ayaa Maxamed Cabdi Waare u doortay Madaxweyne, kadib markii ay xilka ka qaadeen Cali Cabdullaahi Cosoble. Halkan ka akhri.

6-dii September, 2017, dowladda Federaalka ayaa Cabdikariim Muuse [Qalbi Dhegah[, oo kamid ahaa Saraakiishii hore ee ciidamada xoogga daka u dhiibtay dowladda Ethiopia. Halkan ka akhri.

23-kii September, 2017, Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Khudbad ka jeediyay Shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey. Halkan ka akhri.

27-kii September, 2017, Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga kula kulmay Boqorka dalkaasi Boqor Salman Bin C/casiis. Halkan ka akhri.

30-kii September, 2017, waxaa la daaf-furay Saldhigga Turkiga ee Muqdisho, kaasi oo ah midka ugu weyn ee uu ku leeyahay Africa, waxaana lagu tababarayaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Halkan ka akhri.

6-dii October, 2017, Safiirkii Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa is-casilay. Halkan ka akhri.

11-kii October, 2017, Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada dalka oo ku kulmay Kismaayo ayaa ku dhawaaqay inay sameysteen Golle Iskaashi oo ay ku midaysan yihiin. Halkan ka akhri.

12-kii October, 2017, Wasiirkii Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed iyo Taliyihii Ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Axmed Maxamed Jimcaale [Cirfiid] ayaa is-casilay. Halkan ka akhri.

14-kii October, 2017, Qarax Taariikhda Soomaaliya baal-madow ka galay ayaa ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku naf-waayeen 512 qof oo mas'uuliyiin ay ku jireen. Halkan ka akhri.

18-kii October, 2017, Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo kamid ahaa Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Hindiya. Halkan ka akhri.

25-kii October, 2017, Jeneraal Maxamed Abshir Muuse, oo ahaa Taliyihii ugu horeeyay ee ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ku geeriyooday dalka Mareykanka. Halkan ka akhri.

28-kii October, 2017, Wasiirkii Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Madoobe Nuunow Maxamed iyo dad badan shacab iyo mas'uuliyiin isagu jira ayaa lagu dilay weerar Al Shabaab ku qaadey Hotel Naasa Hablood Two ee Muqdisho. Halkan ka akhri.

29-kii October, 2017, Gollaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii ka qaadey Taliyeyaasha Booliska, Cabdixakiim Daahir Saacid iyo Nabad Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali "Sanbaloolshe" kadib qaraxii Zoobe ay dadka badan ku dhinteen. Halkan ka akhri.

30-kii October, 2017, Cawad Axmed Cashara, oo ahaa Xildhibaan hore, Siyaasi rug-cadaa ah, kana mid ahaa aas-aasiyaasha Puntland ayaa ku geeriyoodey dalka Canada. Halkan ka akhri.

13-kii November, doorashada Madaxtinimo ayaa ka dhacday Somaliland. Halkan ka akhri.

9-kii November, 2017, waxaa Muqdisho ku geeriyooday Taliyihii ciidamada Taraafikada Soomaaliya, Jeneraal Cali Maxamed Cali [Cali Shariif]. Halkan ka akhri.

21-kii November, 2017, Gudiga Doorashada Somaliland ayaa ku dhawaaqay in Muuse Biixi Cabdi uu ku guuleystay Doorashada, islamarkaana loo doortay Madaxweynaha 5aad ee Somaliland. Halkan ka akhri.

6-dii December, 2017 - Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa Heshiis awood-qeybsi ah ku saxiixday magaalada Muqdisho kadib wadahadallo IGAD ay dhex-dhexaadisay oo ay ku yeesheen Kenya iyo Jabuuti. Halkan ka akhri.

14-kii December, Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay Gollahiisa wasiiradda. Halkan ka akhri.

14-kii December, 2017 - Qarax Ismiidaamin ah ayaa ka dhacay gudaha Xerada Tababarka Booliska Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay 18 Askari oo Boolis ah. Halkan ka akhri.

16-kii December, 2017 - Waxaa xirmay Kalfadhiga 2aad ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Halkan ka akhri.

17-kii December, 2017 - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur kadib markii ciidamada NISA ay weerar ay ku dhinteen 5 Askari oo kamid ahaa Ilaaladiisa ku qaadey Guri uu ka degan yahay nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho xilli Habeen ah. Halkan ka akhri.

22-kii December, 2017, Kooxda Kubbada cagta ee Jubbaland ayaa ku guuleysatay Koobka Ciyaaraha Maamul-goboleedyada ee ka dhacay Muqdisho.

28-kii December, 2017 - Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaqday inay la soo wareegtay maamulka hawada dalka, oo tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991 gacanta Soomaalida ka maqneyd. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE - Sannad cusub oo Caano iyo Nabad la yimaada!!

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM