Xildhibaan hore oo la xiray iyo Xiisad ka taagan Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysanaysa ayaa ka taagan magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo hadda caasimad KMG u ah maamulka Jubbaland.

Wariyaha Warsidaha Garowe Online ee Kismaayo ayaa kusoo waramaya in ciidamada Jubbaland ay maanta xireen Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan iyo labo qof oo qaraabo yihiin oo meel wada joogeen.

Axmed ayaa shalay laga qaaday xasaanaddii u lahaa, isagoo laga saaray xubinimadii Baarlamaanka Jubbaland ugu matalayay beeshiisa, kadib markii ku lug yeeshay mooshin ka dhan ah Xukuumadda. Halkan ka akhri.

Ciidamada Jubbaland sidoo kale maanta xoog ku galay Hotel ku yaalla magaalada, iyagoo kala eryay Xildhibaanno katirsan baarlamaanka Jubbaland oo halkaasi kulan gaar ah ku yeelanayay.

Wadooyinka Kismaayo ayaa la dhigay ciidamo fara badan iyo gaadiidka dagaalka, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in xaaladda ay tahay mid cakiran, oo uu socdo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada shirka Hotel-ka loo diiday ay qeyb ka yihiin mooshin ay wadaan Mudaniyaal katirsan Baarlamaanka Jubbaland kaasi oo lagula xisaabtamayo Xukuumadda maamulkaasi.

Xiisadda ka taagan Kismaayo oo aan la ogeyn halka ay ku biyo shuban doonto, ayaa imaanaya xilli sanadka 2019-ka la filayo in Jubbaland ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Cali Xoosh oo Amar dul-dhigay Maamulka Looga dhawaaqay Laascaanood

Waxa uu xusay in mucaaradka ku sugan magaalada Muqdisho hadda looga gacan haatinayo deegaanada wPuntland.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 08:30AM

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga Digay inuu sameeyo Muddo Kororsi sharci-darro ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo muran siyaasadeed uu ka taagan yahay marxaladda kala guurka ah iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 11:43AM